MUQDISHO, Soomaaliya — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u mahadcelisay dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageeray difaaca madaxbannaanida, midnimada iyo dhuleedkeeda, kaddib markii Israa’iil ay sheegtay in ay aqoonsatay gobolka Somaliland.
War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in garab istaaga caalamiga ah uu muujinayo sida Soomaaliya loogu taageeray ilaalinta madax-bannaanideeda iyo midnimada dalka.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u mahadcelinaysaa dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee muujiyey taageero buuxda oo ku aaddan…
